Siyaad sheikh Daahir Afahayeenka Guddiga Farsamada ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay waxa u qabsoomay waxyaabihii guddigooda gaar ahaan Dastuurka oo ay usoo bandhigeen qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Waxa uu sheegay in Guddigooda uu wax badan ku guuleystay islamarkaana ay kulamo kala duwan la qaateen qeybaha Bulshada oo ay wax ka weydiiyeen aragtidooda ku aadan maamulka iyo Dastuurka.
Dhanka kale waxan weydiinay Afahayeenka halka uu maraayo qorshaha lagu dhisaayo Guddiga Doorashooyinka iyo qaabka lagu soo xulaayo Ergooyinka ka qeyb galaya.
Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaa ka socda kulamo siyaasadeed oo ku aadan maamulada lixda Gobol iyo midka saddexda Gobol.
Idale News Online, Baydhabo.