Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ka mid ah Siyaasiinta ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool islamarkaana Xilal dhowr ah ka soo qabtay Dowladihii Dalka Soomaray ayaa Xariir dhanka Taleefoonka ah la sameeyay Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol Mudane Madoobe Nuunoow Maxamed.
Xariirka Shariif Xasan uu la sameeyay Madoobe Nuunoow ayaa la sheegay in uu kaga dalbaday Tanaasul uu sameeyo Madaxweyne Nuunoow,waxaana Shariifka uu sheegay in uu doonayo isku keenida Dadka Daga Gobolada Koofur Galbeed.
Afhayeenka Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Nuunoow uu qaadacay hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa doonaya in uu Madaxweyne ka noqdo Maamulka Saddexda Gobol ee Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka ay dhoob dhoobeen oo ay doonayaan in Dadka daga Gobolada Kofur Galbed ay ku qaldaan.
Waxaa la og soon yahay in Shariif Sakiin iyo Madaxweyne Madoobe Nuunoow Maxamed uu ka dhaxeeyo Xariir aan wanaag saneeyn,kaasi oo soo biloowday xiligii Labada Mas’uul ay kala hogaaminayeen Baarlamaankii Dowladdii KMG aheyd.
Idale News Online, Baydhabo.