C/qaadir Siidii oo la hadlay Idaacada BBC-da, ayaa shegay in waxa Gobalka ka dhacaye ay yihiin arin aad looga xumaado, isaga oo sheegay in dagaaladaan qabaai’ilka ay dadka soo xusuusiyeen xiliyadii qabiilka la isku leyn jiray.
Waxa uu ku tilmaamay dagaalada kuwa waligiis uusan arkin waxaana uu ku cel-celiyay baaqa ku aadan xasilinta xaalada Gobalka Shabeelaha hoose, isaga oo sheegay in ciidamada Amisom uu ku amray inay kala dhaxgalaan dagaalada culus ee Gobalkaasi ka dhacaya.
Guddoomiye Siidii wuxuu kaloo tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka dalbanayo in Gobalka ay usoo dirto ciidamo badan oo isugu jira Booliis iyo Nabadsugid si ay ukala dhexgalaan ciidamada qaabka beeleedka ugu dagaalamaya Gobalka Shabeelaha hoose.
C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa ku nuux-nuuxsaday inaysan tabar u hayn iyaga kala dhexgelida dagaaladaasi, maadaama labada qabiil ee Gobalka ku dagaalamaya ay aad u abaabulan yihiin.
Dagaaladii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay deeganada kala ah Busleey,Sagaaroole iyo Ceelwareegoow, ayuu sheegay inay ku geeriyoodeen kudhawaad 12-ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah, isaga oo sheegay in dadka shacabka ah shalay uusan wax khasaaro ah soo gaarin.
Asalka dagaaladaan wuxuu ku tilmaamay kuwa ka biloowday dhul beereed la isku haystay, balse hada isku bedelay Dagaal Siyaasadeed oo labada beel ka dhex-taagan, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray in cel-celis ahaan dadka geeriyooday maalmihii dagaalka uu socday ay gaarayaan 26-ruux oo shacab si gaar ah loo dilay iyo dhinacyadii dagaalamay isugu jira.
Idale News Online, Shalambood, Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com