Madaxweyne Xasan oo Xalay Fiidkii gaaray dalka Masar si uu uga Qeybgalo caleemo saarka saakay ka socdo dalka Masar, oo lagu caleemo saarayo Madaxweynaha afganbiga Dalkaas ku qabsaday, ayaa waxaa soo baxaya in Xasan sheikh uu ku wayay dalal Muhiim u ahaa Xisbigiisa Talada dalka hayo.
Dalalka Qadar iyo Turkiga oo Xiligan Udub dhexaad u ah Dowlada Xasan sheikh ayaan ka Qeybgalaynin Caleemo saarka Madaxweynaha Dalka Masar, waxayna ku Wargaliyeen Xasan sheikh in uusan ka Qeybgalin Caleemo saarka Madaxweynaha, Balse wuu ka biyo diiday.
Qadar iyo Turkiga ayaan la dhacsaneen afganbiga Milatari ee dalkaasi ka Curtay, kamana Qeybgalayaan Caleemo saarka saakay ka socda dalkaasi.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa Xiligan Lumiyay Xubno Muhiim u ahaa dhaq dhaqaaqiisa siyaasadeed oo ahaa Qadar iyo Turkiga, Maadaama uu ka diiday in uusan ka Qeybgalin Caleemo saarka C/fitaax CC.
Idale News Online, Qahira, Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com