Nairobi(INO)-Idale News Online ayaa ogaatay qorshe adag oo ay wadaan ganacsatada Khaatka iyo sigaarka ka keenta dalka Kenya, kaasi oo ku aadan in Kenya markeeda la tuso xanuunka xayiraad la’isku rogo.
Ganacsatadaan qaarkood oo shiray waxay isku fahmeen in la joojiyo muddo Khaatka iyo sigaarka Kenya oo la aaminsan yahay in maaliyiin doolar ay ku baxdo maalintii.
Ganacsatadaan ayaa inoo sheegay in ay leeyihiin damiir kana xumaadeen waxa lagula kacay xawaaladaha iyo sidoo kale ganacsatada Soomaalida ah, taasina ay noqon doonto jawaab cad.
“Dowladeena kama aanay jawaabin, laakiinse si ficil ah ayaan uga jawaabaynaa, anaga ayaa Khaatka ka iibsana Kenya, waxaana tuseynaa in dhaqaalaha markii la xayiro uu xanuun leeyahay, anaga ganacsigooda ayaan gabi ahaan joojin donnaa hadii aanay wax ka bedalin maalmo gudahooda sida hadda Kenya ay ku dhaqmeyso” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadaan oo xoghoose.com u waramay.
Hadii Kaliya Khaatka Kenya ka yimaada la joojiyo waxaa si cad meesha uga baxaya dhaqaalaha Kenya ay Soomaaliya ka hesho, waxaana lasoo dersi doono dhaqaale xumi baahsan.
Kenya ayaa xayiraad kusoo rogtay shacab Soomaaliyeed oo ganacsato ah, sidoo kalena waxa ay amartay in qaxootiga Seddax bil gudahooda looga raro, iyadoo xadkeeda ka sameysanaysa darbi, sidaas oo ay tahay dowladda Federaalka ma aanu qaadan go’aan geesinimo leh si dalka faqriga ah ee Kenya loo tuso dhaqaalaha Soomaaliya uu ka helo.
Idale News Online, Nairobi