Muqdisho(INO)-Taliyaha ciidamada Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuur Yare “Cumda” ayaa sheegay in direeska ciidan ee Shabaab ay u adeegsadaan falalka qaraxyada aysan aheyn kuwa ay isticmaalaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliya.
Tuur Yare, wuxuu sheegay in ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya ay baaris ku sameeyeen asal ahaan direeska Shabaabka ay isticmaalaan marka ay fulinayaan qaraxyada iyo weerarada Ismiidaaminta, wuxuuna sheegay in Nabad Suggida ay u cadaatay in direeskaasi uusan aheyn midka rasmiga ah ee ciidamada ay gashtaan.
Waxa kale uu sheegay Tuur Yare in direeskaasi ay yihiin kuwa ay isticmaalaan ciidamada ilaalada masuuliyiinta qaar, balse ciidamada Nabad Suggida ay arintaasi ku raadjoogaan oo baarista weli ay socoto, isaga oo intaasi ku daray in ciidamada rasmiga ah ee Dowladda u diiwaangashan aysan gashan tuutaha noocaasi ah.
Waxaa jira Ciidan aan Dowladda ka tirsaneyn, balse ilaalo u ah masuuliyiinta qaar ee Dowladda sida Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Isaga oo hadalka siiwata Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya wuxuu sheegay in ciidamada NISA ay ku guuleysteen xaqiijinta ammaanka caasimada Muqdisho iyo ka hortagga falalka guracan ee Kooxda Shabaab ay ka geysato Magaalada.
Ciidamada Nabad Suggida ayaa wuxuu ku ammaanay doorka ay ka qaateen xaqiijinta ammaanka iyaga oo kaashanaya ayuu yiri shacabka Soomaaliyeed oo ciidamada si wanaagsan ula shaqeeya.
Hadalkaan ayaa Taliyaha Nabad Suggida Soomaaliya wuxuu ka jeediyay xaflad lagu maamuusaayay 12-ka Apriil maalinta ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Shabaab ayaa weeraro badan oo ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho waxa ay u isticmaaleen fulintiisa tuutaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya, waxaana weeraradaasi ugu dambeeyay weerarkii Kooxda ay ku qaaday Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho