Xaawo Nuur Hiraabe oo ah haweenay ku sawiran Kunka Shilinka Soomaaliga oo ku geeriyootay Magaalada Muqdisho

0
304

Muqdisho(INO)-Allaha u naxariistee, waxaa xalay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ku geeriyootay mid ka mid ah haweenka ku sawiran Kunka Shilinka Soomaaliga ah.

Haweenaydaan ayaa Muddooyinkii u dambeeyay waxa ay ku xanuunsanaysay gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo dhowr mar Warbaahinta laga baahiyay xanuunkeeda si shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda intaba ay gurmad ugu sameeyaan.

Isbitaalka Kaysaneey ee ku yaallo Degmada Kaaraan ayeey Xaawo Nuur Hiraabe xalay ku geeriyootay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladeeda oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay daryeelida caafimaad ee Xaawo.

Inkastoo nooca xanuun ee Xaawo ay u geeriyootay aan la sheegin, hadana eheladeeda waxa ay sheegen in da’ iyo xanuun intaba ay isugu darsantay Xaawo shacabka Soomaaliyeedna aysan ka helin gurmad iyo Dowladda Soomaaliya.

Haweenayda

Xaawo Nuur Hiraabe, waxa ay ka mid aheyd haweenka Soomaalida ah ee taariiqda ku leh dalka Soomaaliya, maadaama lacagta Soomaaliya laga isticmaalo ay ku sawiran tahay.

Horay waxaa u geeriyootay haweenayda kale ee Xaawo kula sawiran kunka Shilinka Soomaaliga ah.

Xaawo Nuur Hiraabe waxa ay dhashay labo wiil iyo hal gabar, iyagana waxa ay ku dhinteen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay sida uu xaqiijiyay nin ka mid ah ehelada Xaawo oo Warbaahinta la hadlay.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here