Muqdisho(INO)-Wasiirkii hore ee wasaarada Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ahna Xildhibaan ka tirsan BF Somalia, ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo isugu jira Siyaasada dalka iyo Caqabadihii uu la kulmay inta uu xilkaasi hayay.
Waxa uu sheegay in weli uu lee yahay saameyntiisa Siyaasadeed, waxa uuna carabka ku dhuftay in inta badan Saxaafadu ay aheyd mid ka hadasha isaga oo kaliya, balse uusan siin jirin wareysi.
Mar wax laga weydiiyay sababta ay inta badan Warbaahintu xooga u saari jirtay arrimaha isaga Khuseeyo, ayaa waxa uu sheegay in taasi ay keentay Hiigsiga Cusub ee 2016-ka inta badana dadka warbaahinta dhaleeceynta u marin jiray ay ahaayen kuwa walaac ka qabay inay xilkooda ku wayaan Hiigsiga ama uu saameyn ku yeesho hirgalintiisa.
Waxa uu ku faanay in Siyaasada uu u ahaa udub-dhaxaad, taasina ay sara qaaday in warbaahintu ku mashquusho Siyaasadihiisa.
Waxa uu sheegay in aamusnaantiisa mudooyinkaani dambe aysan la xiriirin ka dhex maqnaanshaha Liiska Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid, waxa uuna Tilmaamay in saaxiibo wanaagsan uu ku dhex leeyahay labada gole ee sharci dajinta iyo fulinta DF Somalia.
Faarax C/qaadir waxa uu cadeeyay in inta badan ay Xildhibaanada isku qaban jireen oo ay ku naceen Dastuurka oo la siyaasadeeya, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in Dastuurka uusan aqbali karin in marba dhinac loo rogo ama la siyaasadeeyo, bacdamaa uu yahay nidaamka kaliya ee lagu hagaayo dalka.
Dhanka kale, waxa uu rajo ka muujiyay dib ugu soo laabashada Siyaasada dalka maadaama uusan kamid aheyn Xukuumada Somalia.