Muqdisho(INO)Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga Cabdi Ileys oo ka tirsanaa Saraakiisha Militeriga Somalia.
Cabdi Ileys ayaa waxa uu xiligaani ku xiran yahay Xarunta Nabadsugida Qaranka Somaliaa, waxaana la sheegayaa in inta uu xirnaa uu la kulmay Jir dil iyo dhibaato badan oo kasoo gaaray Xabsiga.
Deysmada Cabdi Ileys ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu hortaagan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu ku adkeysaanaayo in Cabdi Ileys uu dambi farabadan ka galay Somalia.
Siyaasiyiin iyo Odayaal siyaabo kala duwan ula kulmay Madaxweyne Xasan si dib xoriyadiisa loogu celso Sarkaalkaasi, ayaa waxaa arrintaasi ku gacan seeray Madaxweyne Xasan oo isagu si barer cad u qaadacay codsiga Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ee ku aadan deysmada Sargaalkaani dhowrka bil u xiran DF Smalia.
Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ayaa la sheegayaa in sidoo kale Madaxweynaha ay ka dalbadeen in mudo kooban loo fasaxo si ay u daweeyan Cabdi ileys oo iminkaa ku dhex xanuunsanaayo Xabsiga, balse nasiib daro uma aysan suuragalin in Ogolaansho deysmo ay kala kulmaan Madaxweynaha.
Waxaa hada socda dadaalo ay Beesha Murusade kusoo deyneyso Cabdi Ileys, waxa ayna Odayaashu nasiib daro ku tilmaameen in Sheekh Xassan Daahir lasii daayo, iyadoo ay Xabsiyada ku jiraan Saraakiil badan.