Muqdisho(INO)-Ilo wareedyo ka tirsan Beesha Mareexaan ayaa Xoghoose.com in Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha ay taageero lixaad leh u muujinayaan Barre Aadan Shire (Hiiraale).
Ilo wareedka ayaa sheegaya in iminka uu socdo dadaalo lagu maalgalinaayo Col. Barre Hiiraale, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in dib loo hubeynaayo Barre, si uu dib ugu laabto deegaanka Goobweyn ee duleedka Magaalada Kismaayo.
Odayaal wakiil ka ahaa Siyaasiyiin iyo Ganacsato kasoo jeeda Beesha, ayaa waxa ay Magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula qaaten Col. Barre Hiiraale oo ay kala hadlayeen arrimo dhowr ah, waxaana la tilmaamayaa inay ku dhiiri galiyeen inuu dib ugu laabto deegaanka Goobweyn, bacdamaa ay DF Somalia iyo Axmed Madoobe ka gaabiyeen Heshiisyadii dhacay.
Barre Hiiraale, ayaa lagu soo waramayaa inuu u diyaar garoobayo dib ugu laabashada Deegaanka Goobweyn, waxa uuna iminka ka dhowr sugayaa dhaqaale ay u ballan qaaden Siyaasiyiinta iyo ganacsatada Beesha.
Col. Barre Hiiraale ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay inuusan tixgalin doonin Heshiiskii uu la galay DF Somalia iyo Axmed Madoobe.
Idale News Online, Muqdisho.