Xukuumada Soomaaliya oo amniga dalka ku xirtay ciidanka dowlada oo si daacad ah ula dagaalama al-shabaab

0
162

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Siihayaha Xilka Wasaarada amniga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab looga guuleysan karo ciidamada Dowladda si daacad ah Shabaab ula dagaalama.

Wasiirka wuxuu sheegay in hadii si daacad loo shaqeeyo, waxyaabaha dhacaayo ee amnidarada aysan soo noq-noqon karin, balse muhiimada ay tahay in si daacad loo shaqeeyo.

Falalka dhacaya, ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay kahor tag iyo ka dabatag, hadii aan la hayn labada midkood ay tahay dhibaato u baahan in xal loo helo.

Wasiir Xaamud ayaa canaan kadib wuxuu qiray in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku shaqeeyaan xaalad adag, isaga oo ciidamada iyo saraakiisha usheegay in madaxda Dowladda ay ka warqabaan dhibaatooyinka ciidamada ay ku shaqeeyaan.

Ciidamada Dowladda oo maalin iyo habeen u taagan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa hadana waxaa dhacaya falal lidi ku ah dhanka ammaanka caasimada Muqdisho oo uu ugu dambeeyay qaraxii shalay meel u dhaw Baarlamaanka agtiisa ka dhacay.

xaamud

Idale  News Online. Muqdisho.