Dhageyso: Weerar Bambooyin Ah Oo Shabaab Xalay Ay Ku Qaadeen Guri Ku Yaallo Magaalada Baydhabo

0
290

Baydhabo(INO)-Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar waxa ay ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo ku yaallo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Al-Shabaab_2154133b

Weerarkaan ayaa ahaa mid loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro oo lagu gamay guriga, waxaana Askari ilaalo ka haayay guriga uu rasaas ku riday raggii hubaysnaa ee guriga Bambada ku tuuray.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Degmada Baydhabo Maxamed Isxaaq Afloow, ayaa u sheegay Idaacada VOA Askarigii ilaalada ka haayay guriga inuu rasaas ku dhaawacay mid ka mid ah raggii guriga bambada ku weeraray, xilli uu sheegay in ragga hubaysan dhowr bambo ay guriga la dhaceen.

Eng. Afloow, wuxuu tilmaamay in wax khasaaro ah dhankooda uusan kasoo gaarin bambooyinka lala dhacay, balse ay gacanta ku dhigeen ninkii Shabaabka ahaa ee Askariga uu dhaawacay, kaasi oo hada lagu haayo Saldhiga Magaalada Baydhabo.

“Qoladii Nabadiidka Ugus ayaa hooygeeyga weerar ku soo qaadeen dhowr bambaano ayeey igu soo tuureen, bamkii hore Askarigii irida fadhiyay ee guriga ilaalada ka haayay ayaa nimankii soo tuuray mid ka mid ah wuu dhaawacay, kadib bambooyinka kale ayeey soo tuureen waxa ay isku dayaayeen inay qaataan ninka dhaawaca laakiin waa ay u suurageli weysay, ninkii dhaawaca ahaa hada Saldhiga Magaalada Baydhabo ayuu yaalla oo Booliska ayaan ku wareejinay.” Ayuu yiri Maxamed Isxaaq Afloow Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Magaalada Baydhabo.

Guriga Bambooyinka Shabaab xalay ay la dhaceen, Afloow waxaa ku wehliyay oo la deganaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed, balse ma jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaartay bambooyinkaasi.

Shabaab ayaa kordhiyay Bisha Ramadaan Beegsiga ay  ku hayaan masuuliyiinta Maamul Goboleedyada iyo dadka kale ee la shaqeeya Dowladda Federalka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here