Dhageyso:Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Ujeedka Uu U Tagay Garoowe

0
279

Garowe(INO)-Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland aya sheegay in Ujeedka u u tagay Magaalada Garoowe aysan ahayn in la dhibaateeyo maamul dhismayo.

axmed madoobe

Waxa uu sheegay in Madaxda maamulka Puntland uu kala hadlayo Xalinta khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada Dalka, waxa uuna tilmaamay in kulamadaasi ay ka soo bixi doonaan Xal Wanagsan sida uu tilmaamay Axmed madoobe.

Waxa Muhiim ah in laga wada shaqeeyo Midnimida Ummada Soomaaliyeed iyo hormarka Dalka Soomaaliya oo aan la isku Mashquulin.

Shalay ayay ahayd Markii Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ay gaareen Magaalada Garoowe, waxana jira khilaaf u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaar ee ka dhisan Dalka sida Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here