Baardheere(INO)— Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in barakac xoogan uu ka bilowday degmadaas, kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay u ruuqaansadeen.
Sida ay sheegayaan wararka dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo, waxaana ay tan iyo shalay ka socday degmadaas barakac ay sameynayeen qoysaska.
Wararka ayaa sheegaya in qoysaska ka barakacayay degmada oo isugu jira haween, caruur iyo waayeelo ah ayaa u baxsanayay degmooyinka Luuq, Ceel-Waaq iyo deegaanada ku yaalla Jiinka Wabiga.
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dhaq dhaqaaq ciidan ka wado Baardheere, waxaana dadka ay ugu baaqayeen inay dagaalka kala qeyb qaataan.
Kumanaan ka tirsan Ciidanka Itoobiya oo ka soo gudbay xuduuda maalmihii u dambeeyay ayaa ku wajahan Baardheere, si halkaas uga saaraan Al-Shabaab oo sanadihii u dambeeyay ay ku xooganayeen.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gedo ayaa sheegaya inay rajo ka qabaan in maalmaha soo socda ay gacantooda soo gasho Baardheere oo ah degmada kaliya ee Al-Shabaab kaga sugan tahay Gedo.
Degmada Baardheere oo ah degmo ku caan ah wax soo saarka beeraha ayaa deris la ah Jubadda Dhexe, waxaana ciidamada huwanta ay doonayaan inay kaga tallaabaan Jubbada Dhexe, halkaasoo si buuxda ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baardheere