Wargayska kasoo baxa dalka Kenya ee Capital FM ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay ku biiri doonaan AMISOM, arintan oo la sheegay inay qeyb katahay qorshe cusub oo lagu doonayo in lagula dagaalamo argagixisada gobolka Geeska Africa.
Ra’iisulwasaaraha dalka Ethiopia oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya Willium Ruto ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay ku biiri doonaan Kenya iyo Uganda oo qeyb ka ah howlgalada AMISOM ee lagula dagaalamayo Alshabaab.
RW Hailemariam Desalegn wuxuu sheegay inuu jiro qorshe usocda madaxda laamaha amaanka dalka Ethiopia iyo Kenya iyagoo ka wada tashanaya howlgal wadajir ah oo lagu qaado Alshabaab.
Desalegn wuxuu sidoo kale sheegay inuu jirto khatar argagixiso oo kasoo cusboonaatay gudaha Ethiopia sidaa darteedna loo baahanyahay howlgal wadajir ah oo lagu tirtiro khatartaas.
‘‘Khatartu waa mid jirta sidaa darteedna waa in lasii wadaa dagaalka noocyada kalagedisan ee lagula jiro argagixisada,’’ ayuu yiri RW Hailemariam.
Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya Willium Ruto oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in argagixisadu ay dhibaataayeen Kenya ayna soo dhaweeynayaan go’aanka Ethiopia ee ah ku biiritaanka ciidamada AMISOM.
Ku biiritaanka ciidamada Ethiopia ee AMISOM ayaa wax weyn ka badali doona qaabka AMISOM uga howlgasho deegaanada Somalia iyo siyaasada AMISOM ee gobolada AMISOM.
Idale News Online