Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir maxamed nuur siidi wareysi uu siyey somali channel ayaa ka hadley ka horyimid maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya ee gogashiisu ay taalo magaalada Baydhabo xarunta gobolka Bay. waxaanu siidi mar kuu ka hadlaayey xildhibaanadii, wasiiradii iyo waxgaradkii yimid degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose ku tilmaamey dad jifo yar oo beelaha soomaaliyeed ka tirsan isagoo waliba sii qeexay kuna sheegay jifadaas iney ahaayeen Digil iyo Mirifle.
Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose hoose ayaa lagu sheegaa inuu yahay nin aan la gamban taageersita Maamulka Jubba iyo ololaha uu ugu jiro in gobolka Shabeelaha Hoose uu raaco gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir, hase ahaatee odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka shabeelaha hoose intiisa badan ay si aad ahu taageersan isla markaasna dhaqankooda ay ka qeyb-yihiin sidii loo dhisi lahaa maamulka Koonfur Gableed Soomaaliya.
Idale News Online Somalia