Abwaan Sahal Macalin Ciisa oo ka mid ahaa abwaanadii ugu caansanaa dalka Somalia oo London ku geeriyoodey

0
334

llaah ha u naxariistee, INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAACUCUUN, waxaa goor dhawayd magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday abwaan Sahal Macalin Ciise oo ahaa abwaan si weyn looga yaqaanay geyiga Soomaaliyeed.
Marxuum Sahal Macalin Ciise ayaa mudooyinkii ugu dambeeyayba ku xanuunsanaa dalka Ingiriiska isaga oo ugu dambeyntiina galabtaan geeriyooday.

Sahal Macalin Ciise ayaa ahaa udub dhexaadka fanka Maayga isaga oo sameeyay inta badan heesaha uu qaado fanaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar iyo fanaaniin kale oo caan ah.

sahal

Abwaan Sahal Macalin Ciise ayaa waxa uu kaga duwanaa abwaaniinta kale inuu heesaha Soomaali Maxaatiriga iyo Maayga wada sameyn jiray.

Maamulka iyo Team warbaahinta Idale News Online waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan ehelka, qaraabada, asxaabta, bahda suugaanta iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed geerida ku timid marxuun Sahal Macalin Ciise. waxay Illaaheya waxaan uga baryaynaan inuu Janadii Fardowso ahayd ka waraabsho iyo dadkii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo ,Aamiiiiin

Idale News Online