Duulaan Ku Wajahan Diinsoor & Al shabaab Oo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Samaynaya

0
246

Diinsoor (INO) — Wararka  Shabakadda Warbaahinta Idale News Onlin  helayso waxay sheegayaan in Ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya & kuwa Ethiopia ay u dhaqaaqeen dhanka Degmada Diinsoor, oo ah Magaalada ugu weyn ee Al shabaab ku sugan yihiin Gobolka Bay.

Teaser Image Duulaan kuu wajahan Diinsoor & Al shabaab oo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan samaynaya

Ciidan xoogan oo wata Gaadiid Dagaal ayaa waxay Xalay ka dhaqaaqeen Degmada Qansaxdheere, ee Gobolka Bay waxayna lugta saareen Wadada dheer ee isku xirta Degmooyinka Qansaxdheere & Diinsoor.

Al shabaab ayaa billaabay Saakay Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan markiii ay maqleen in lagu soo foodleeyahay, si ay isaga difaaceen Duulaanka kusoo socda waxay samaysteen Difaacyo Duleedka Magalada Diinsoor.

Sida Lagu Soo waramayo, Al-shabaab ayaa la sheegey in Ciidamo tiro badan Soo Dhoobtey  Degaanadda Idaale Iyo Raamacaday, iyagoona ka kacabsi  qabo in ciidamada itoobiya iyo kuwa DFS  ay maraan dhulka Hawlka ah ee Dooy.

Ugu dambeyntii Ciidamo kale oo iyaguna kasoo baxay Magaalada Baydhobo ayaa u ruqaansaday Degmada Diinsoor, waxaana taasi lagu tilmaamay Guluf Dagaal oo ka dhan ah Kooxda Al shabaab oo hadda kaga sugan yihiin Gobolka Bay Degmada Diinsoor oo kaliya marka laga reebo Deegaano Baadiyaha ah.

Idale News Online – Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here