Dhageyso Falanqeyn: Waa Maxay Sababaha keenay in Obama Uu Ka Laabto Magacaabidii Safiirnimo Ee Soomaaliya?

0
209

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha dawladda Mareykanka Barack Obama ayaa la xaqiijiyey shalay in uu ka laabtay magacaabidii uu Safiirka Soomaaliya horay ugu magacaabay Katherine Dhanani oo ahayd qof mudo dheer ka soo shaqeysay bariga Africa iyo guud ahaanba Qaarada Africa.

kathrin

Magacaabidii Safiiradan  ayaa muujinaysay in uu jiro xariir wanagsan oo ka dhaxeynaya dawladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka, kaas oo dib usoo laabtay 24 sanno ka dib oo ay Soomaaliya ku jirtay wadamada lagula dhaqmo Siyaasada labada qeybood ee Wasaaradda Arrimaha dibada ee dalka Mareykanka.

Miss Katherine ayaa si wanaagsan utaqaan Siyaasada bariga Africa, waxaana la rumeysan yahay in ay ka shaqeysay Safaaradaha dawladda USA ku leedahay Itoobiya iyo Kenya oo labaduba si dhaw ula socdo xaalada Soomaaliya.

Horey Soomaaliya waxaa loo geeyey labo baabuur oo la rumeysan yahay in ay lahayd Safaarada Mareykanka ee Muqdisho, hadana warar ayaa sheegaya in Safiirada cusub ay iska diidey in ay qabato xilkan.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here