Wanlaweyn(INO) Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh aadan ayaa saraakiisha ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Wanlaweyn kala hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa amniga isla markaane loo qaadi lahaa Isbaarooyinka yaalla gobolka Shabellaha hoose.
Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed C/qaadir Maxamed Cashar Nadaara ayaa ka waramay kulamo uu madaxweyne Shariif Xasan la qaatay Saraakiisha ciidamada dowladda iyo AMISOM,wuxuuna sheegay inuu kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa Isbaarooyinka daadsan Shabellaha hoose oo ay cabasho xoog leh ka muujinayaan shacabka ku dhaqan gobolkaasi.
C/qaadir Nadaara ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu la kulmay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose,wuxuuna tilmaamay in madaxweynuhu uu u ballan qaaday inuu degmada ka hirgalinayo Cisbitaal.
Madaxweynaha Dowladdda Koonfur Galbeed oo maalmahan ku sugan gobolka Sh/hoose ayaa halkaa wadahallo kula qaadanaya Saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale New Online, Wanleweyn