Hitti(INO)- Shalay ilaa xalay ayaa waxa ay duufaanta lagu magacaabay “Matthew” ay garaaceysay dalalka Haiti, Dominican Republic, Colombia, Saint Vincent iyo jasiirado kale oo yar-yar.
Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay marka la isu geeyo ayaa la sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo 13 ruux islamarkaana ay dhimashadu u badan tahay dalka Haiti oo shan ruux ay ku naf waayee.
Duufaantan oo aan wali joogsan ayaa ayaa lagu wadaa in ay gaarto dalka Mareykanka oo looga diyaargaroobay.
Sidoo kale duufaantan ayaa sababtay bur-burka hanti isugu jirta guryo, wadooyin, buundooyin iyo xaalufin geedo, waxaana khasaaruhu uu u badan yahay dalka Haiti.