Moscow(INO)- Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan dalka Suuriya u direyso hubka looga hortago diyaaradaha oo casri ah kaas oo ay sheegtay in ay ku waardiyeyneyso hawada xarumaha ay dalkaasi ku leedahay.
Magaalo-xeebeedka Tartus ee dalkaasi Suuriya ayuu ruushku ku leeyahay saldhig ciidan kaas oo ay u yaaliin diyaaradaha dagaalka, maraakiib dagaal iyo agab kale oo ciidan, waxaana halkaasi kaga sugan ciidamo aan tiradooda si rasmi ah loo shaacin.
Marka laga reebo Ruushka iyo dowladda Suuriya, waxaa hawada dalka Suuriya diyaarado ku isticmaala xulufada Mareykanka, waana tan dhalisay in Mareykanku uu arrintaasi walaac ka muujiyo.
Shalay ayay aheyd markii uu Mareykanku shaaca ka qaaday in uu gebi ahaanba xiriirkii uu la lahaa ruushka arrinta suuriya uu jaray kaddib markii uu ku eedeeyay in uu jabiyay xabad-joojintii dalkaasi ee ay ku heshiiyeen.
Si kastaba arrintan ayaa cirka kusii shareereysa kala fogaanshaha labada dowladood ee Mareykanka iyo Ruush ee dalka Suuriya, waxaa ay labada dowladood kala taageeraan dhinacyada isku haya dalkaasi Suuriya.