Godoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo loo diiday in uu Gedo ku soo laabto.

0
277

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Maxamed Cabdi Kaliil oo Shalay Gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose ayaa lagu Amary in uu san ku soo laaban Karin Gobolka Gedo.

Teaser Image Kaliil oo loo diiday in uu Gedo ku soo laabto

Maxamed C/laahi  Faraaxa  oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda federaalka oo la hdaly Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Kaliil uusan ku soo laaban Karin Gobolka Gedo islamarkaana uu ku biiray Maleeshuyada Raas kambooni,

Sargaalkaan lagu Magacaabo Maxamed C/laahi Faarax ayaa sheegay in Kaliil uusan hada Wax Xil ah u hayn Bulshada Gobolka Gedo,oo uu ku biiray Maleeshiyada Axmed Madoobe.

Sidoo kale Maxamed C/laahi  Faraaxa   ayaa Eedeen u jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ,waxaana uu sheegay in uu Hurinayo Dagaalka Gobolka Gedo oo uu dhinac Taageero,taas oo uu ula jeedo Maleeshiyada Axmed Madoobe.

Magaalada Kismaayo oo fariisin u ah Maleeshiyada  Axmed Madoobe ayaa waxaa Shalay gaaray Maxamed Cabdi kaliil.

Idale News  Online – Xafiiska Baydhabo Janaay.