Waxa dalka Israel ku geeriyooday, mid ka mid ah janaraalada iyo siyaasiyiintii ugu mawqifka adkaa uguna cadawsanaa ee soo maray dalka Israel, kaas oo lagu magacaabi jiray, Ariel Sharon.
Ariel Sharon oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalkiisa, kana mid ahaa Yuhuudi asal ahaan ka soo haajiray dalka Ruushka, waxa loo haystay gumaadyo tiro badan oo ka dhacay, Lubnaan iyo dhulka reer Falastiin, kuwaas oo ay ugu magac dheeraayeen xasuuqyadii xeryaha Sabra iyo Shatila ee dalka Lubnaan boqolaal carruur iyo dumar reer Falastiin ah loogu gaystay.
Ninkan oo muddo 8aad sanadood gaaraysa, xaalad caafimaad daro ku jiray, ayaa markii uu dhintay, waxa siyaabo kala fog uga hadlay maamulka Falastiin iyo shacabkiisa iyo dhinaca kale Israel iyo dadkeeda, Falastiiniyiinta ayaa iyagu ku tilmaamay danbiile dagaal oo dhintay isagoon maxkamad la hor gayn, waxaana si cad doodaas u shaaciyay maamulka Madaxweyne Cabaas.
Israel ayaa iyadu dhinaceeda ku tilmaantay geesi qaran oo difaaca dalkiisa siyaasada iyo milatariga labada u galay, sida uu madaxweynaha Israel Shimon Perez oo tacsiyadaynayay ninkaasi warbaahinta ka sheegay, hasa yeeshee marka la isku soo wada duubo, waxa cad in Sharon dhiig badan ku daadshay gobolka Bariga dhexe, kaas oo dhinac walba kaga tagay riiq aan harayn, ugu yaraana tobanaan kun oo askarta dalkiisa ah iyo tobanaan kun oo rayid carbeed ah loo tirinayo in sababtiisa iyo amarkiisa ay ku dhinteen.
Idale News Online.