Dowlada Suudaan oo Ka Noqotay Xukun Dil Ah oo Ay Ku Riday Haweenay Gaalowday.

0
233

Xilli Maxkamad ku taala dalka Suudaan bishii hore bartamaheeda ay Xukun Dil ah ku riday Haweeney Suudaanees ah oo ka baxday Diinta Islaamka, ayaa Garsoorka Suudaan waxa uu ka noqday Xukunkaas.

Masuul u hadlay Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa sheegay in markii lagu noqday Xukunka kadib la arkey in Xukunka uu ka hor imaanayo Qawaaniinta Wadciga,taasna ay keentay in laga noqdo Xukunka,isagoona diiday inuu bixiyo Faafaahin intaasi dheer.

Dowladaha Ingiriiska iyo kuwa Yurubta ayaa ku  cadaadinayey Dowladda Suudaan iney ka laabato Xukunkaas,waxaana dadaal ay sameeyeen kadib u suurta gashey in Xukunka laga laabto.

Haweeneydan oo Suudaanees ah ayaa qaadatey Diinta Masiixiga,iyadoona guursatey Nin Kirishtan ah oo kasoo jeeda dalka Koonfurta Suudaan.

Markii Maxkamadda la keenay,islamarkaana loo sheegay iney Diinta Islaamka kusoo laabato ayey ka biya diiday,waxaana Qaadiga Maxkamadda magaalada Khardhuum uu ku xukumay Dil toogasha ah iyo 100 Karbaash,inkastoo Labada Xukunba aysan jirn mid lagu fuliyey.

Ninka u dhaxa Haweeneydan Gaalowday oo  isna Kirishtan ah lana hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maalintii Khamiista uu booqday Xaaskiisa oo Xabsiga ku dhashey Gabar,isagoona sheegay in Caafimaadkoodu ahaa mid taam ah.

Idale News Online, Khartuum, Sudan.