Sweden: Mursal Ciise oo loo doortay golaha dhexe ee xisbiga cagaarka.

0
216

Mursal Ciise oo ah muwaadin soomaaliyeed ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo golaha dhexe ee xisbiga cagaaran ee dalka sweden ( miljöpartiet) . Mursal ayaa ah qofkii ugu horeeyey oo soomaali ah ee loo doorto jago taas la mid ah. Mursal ciise waxaa uu dalka sweden yimid bishii november ee sanadkii 2003-dii. Waxaa uu dadaal iyo howlkarnimo ku mutaystay inuu noqdo qofka saddexaad ee helay codka ugu badan ee doorashadii loogu gudbaayey golaha dhexe ee xisbiga cagaaran. Golahan loo doortay Mursal waa golaha xakuma, isla markaasna kala haga guud ahaan siyaasada xisbiga cagaaran.

Waa kuma Mursal Ciise?

Warbaahinta dalkan sweden ayaa aad wax uga qoray mudane mursal ciise, iyagoo ku sifeeyey in mursal uu yahay nin leh ujeedo fog, dejiyana qorshihii iyo nidaamkii uu ku gaari lahaa yoolkaas. Waxaa kaloo warbaahinta sweden nolosha iyo dadaalka mursal kusoo koobeen hal ciwaan oo ah

” Wuxuu kasoo jeedaa nolol miyi ku salaysan, balse wuxuu aad u fahmay aasaaska qaab nololeedka sweden”. Mursal ciise ayaa kusoo barbaaray dalka soomaaliya, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee gobolka bari ee Puntland. Ka dib waxaa uu usoo gudbey magaalooyinka waaweyn ee puntland halkaas oo uu kasoo bilaabay safarkiisa ku wajahan inuu noqdo mid lagu daydo, bulshadana wax u qabta. Mursal waxaa uu ahaa 22 jir markii ugu horeysey ee uu wax qoro. Hal ku dhigyada Mursal Ciise waxaa ka mid ah ” aqoonta iyo khibradu waa aalad kuu sahasha inaad ku talaabsato waxa aad dooneysid, balse ugu horeyn waa in qofku leeyahay himilo uu higsanaayo iyo doonitaan dhab ah”

Mursal iyo saddex arimood oo taariikhi ah

Mursal Ciise waa gudoomiyaha xisbiga cagaaran ee degmada Borlänge ee gobolka Dalarna. Noqoshada gudoomiye xisbi heer degmo ayaa ahayd mid taariikhi ah oo aan horay loo arag qof soomaali ah oo jagadaas gaaray. Arinkaas ayaa dhiiri gelin weyn ku abuurtay mursal iyo dad badan oo soomaaliyeed oo arkay iney suurto gal tahay in haddii qofku dadaalo uu gaari karo meesha uu higsanaayo. Arintii labaad ee taariikhda gashay ayaa ahayd inuu mursal ahaa aasaasihii kooxda soomaaliyeed ee ku ciyaarta barafka. Waa ciyaarta dalkan sweden looga yaqaan ( bandy). Kolkii uu mursal iyo rag kale oo la shaqeynaayey ay bilaabeen tababarka kooxda soomaaliyeed ee Barafka, ayaa waxaa dhacday in dad badan oo sweden ku nool ay moodaayeen howl iska ciyaar-cayaar ah oo aan wax miro ah dhalin karin madaama dhalinta la rabo iney soomaaliya matalaan aaney weligood meel baraf lagu ciyaaro arag, iskaba daa iney ciyaaraane. Si kastaba ha ahaatee Mursal iyo saaxiibadiis ayaa guntiga u xidhay iney riyadaas ah in koox barafka ku ciyaarta la sameeyo ay ka dhabeeyaan. Howl dheer ka dib waxaa jaanta isla helay dhalintii soomaaliya u matali lahayd ciyaaraha barafka.

Arinkaas ayaa soo jiitey dhamaan warbaahinta caalamka, waxaana warbixin ka diyaariyey warbaahinta fransiiska, iyo weliba idaacada BBC-da qaybteeda Afka ingiriiska. Waxaa kaloo la diyaariyey filim ku baxaaya afka swedishka. Kooxdii barafka ee soomaaliya mataleysey ayaa waxaa ay ka qaybgaleen ciyaarihii aduunka ee barafka ee lagu qabtay gobolka Saybeeriya ee dalka Ruushka. Waxaa la qoray taariikh gashay buugaagta aduunka oo ah in soomaaliya ay noqotay kooxdii ugu horeysey ee ka socota qaarada Afrika ee ka qaybgasha ciyaaraha aduunka ee barafka. Kooxda barafka ayaa soomaalida meel kasta oo ay dunida ka joogaan usoo hoydey magac iyo sumcad qiimo leh.Mursal waxaa uu ahaa maskaxda waday , abaauleysey kana damaysey yagleelida kooxda barafka soomaaliyeed.

Arinta saddexaad ee taariikhda gashay ee Mursal ciise ka dhex muuqdo waa tii dhacay 31 may 2014-ka maalintaas oo ahayd maalinta loo doortay mursal ciise inuu ka mid noqdo golaha dhexe ee xisbiga cagaaran, uuna noqday qofkii ugu horeeyey ee soomaali ah ee jagadaas qabto.

Waxaa jira oo la filayaa iney dhacdo arin taariikhi ah oo afraad oo mudane mursal ka dhex muuqdo. Mursal ayaa u sharxan gudoomiyaha gobolka Dalarna ee sweden. Waa magaca kowaad ee ay soo sharaxeen xisbiga cagaarani. Doorashad dalka sweden ka dhici doonta 14 sebtember 2014-ka waxaa la filayaa in xisbiga cagaaran iyo xisbiyada garabka bidix sida xisbiga shaqaaluhu ay ku guuleystaan. Kolkaas waxaa ay u badan tahay in mursal uu noqdo mid ka mid ah gudoomiyayaasha gobolka Dalarna. Haddii taasi dhacdana waa taariikhdii afraad ee muddo gaaban uu dhigo mursal ciise isagoo noqonaaya qofkii ugu horeeyey ee soomaali ah ama ajnebi ah ee noqda godoomiye gobol .

Fariinta Mursal ciise

Mursal waxaa uu doonayaa sidaan horey u sheegnayba inuu noqdo mid ay ku daydaan guud ahaan dadka soogalootiga ah ee ku dhaqan sweden gaar ahaana dadka soomaaliyeed. Mursal waxaa uu doonayaa in ficil iyo waxqabad lagu tirtiro magac xumada marar badan si aan cadaalad ahayn ugu meel marta dadka soomaaliyeed. Waxaa uu doonayaa inuu jeexo wado lagu hirto oo dhalinyarada iyo dadka waaweynba ay bar tilmaameedsadaan. Waxaa uu doonayaa in magaca soomaaliyeed kor loo soo qaado, dadka soomaaliyeedna lagu qiimeeyo kartidooda iyo wax qabadkooda ee aan si wadjir ah la isaga xakumin. Mursal waxaa uu doonayaa in aan dalkaan sweden ku yeelano saamayn siyaasadeed, taasina ay cadeyn u tahay dadaalkiisa miraha dhalay. Meelo badan ayaa mudane mursal ka yidhi oraahdaan: ” Waa ineynaan mar walba ahayn kuwo marti ah oo wax suga balse waa ineynu noqonaa kuwo ka baxa martida oo ugu damayntana iyagu martida wax ka soora. Waa ineynaan noqon kuwo mar walba qolo u taliso oo go.aanka meel kale ka suga balse waa inaan ahaanaa kuwo jooga meesha go,aanka laga gaaraayo si aan saamayn ugu yeelano go,aanka laftiisa” Ugu damayn mursal waxaa uu doonayaa inuu siyaasada sweden ka gaaro meel taariikhi ah si uu u tuso soomaalida in arinkaasi uu yahay mid suurtogal ah.
Mursal ciise waxaa uu ka qaybqaataa arimaha horumarinta bulshada ee dalka soomaaliya. Waxaa uu ceelal ka qoday dhul oomane ah oo ku yaal gobolada Puntland. Waxaa uu ka qaybqaataa dhisitaanka goobaha waxbarashada sida iskuulada. Waxaa uu aad isugu howlaa mursal in adeega bulshada la gaarsiiyo dhulka aadka uga fog magaalooyinka waaweyn sida baadiyaha iyo tuulooyinka.

Mursal ciise waa halyey soomaaliyeed oo ku dayasho mudan.
Mahadsanidin
Waxaa faalada qoray: C/risaq Maxamed Xuseen
Eskilstuna,sweden
habdirisak@hotmail.com

mursal-400x298

Idale News Online, Sweden.