Muqdisho(INO)-Madaxa Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maman Sidikou ayaa soo dhoweeyay dhismaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya iyo doorashada Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo doortay hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka cusub.
Maamulka cusub ee Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa isku keenaya gobollada saddexda ah ee Baay,Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Danjire Maman ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dadka ku nool gobollada Koonfur-galbeed ay gacmaha is qabsadeen, ayna doorteen Shariif Xasan Sheekh Aadan.
AMISOM ayaa ku rajo weyn in maamulka cusub uu qeyb ka qaato dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Ugu danbeyntii danjiraha ayaa Ciidamada AMISOM ku booriyay inay sii wadaan dadaalkooda ku aadan sidii deegaanada iyo degmooyinka Baay iyo Bakool amaankooda u sugi lahaayeen.
Idale News Online, Muqdisho.