Baydhabo(INO)-Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa aqoonsaday Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed ee fadhigoodu yahay Magaalada Baydhabo janaay,iyadoona sheegtey Inay meel marin doonto xeerka saxaafada dowlada koonfur galbeed, ka dib Marka la sooo xulo Xildhibaanado Maamulkaasi.
Kulan Balaaraan Oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo janaay Isla markaana ay ka qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed soomaaliya Suxufiyiin iyo dadweyne ayaa lagu aqoonsaday Ururka.
Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Seddaxda Gobol, ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka,Mudane Maxamed Xasan Fiqi oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in maamulku aqoonsan yahay Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed soomaaliya, isla markaana suxufinyiintu looga fadhiyeyo tabinta wararka Runta ku saleysan, oo aan xoglaneynin.
Sidoo Kale Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed SoomaaliyaUgaas Mudane Xasan Cabdi Maxamed ayaa isaguna sheegay inay soo dhaweynayaan ururka, lana shaqaynayaan.
Ugu dambeyntii Bishii May ee sanadkii 2014-kii ayaa gudaha Magaalada Baydhabo Janaay looga dhowaaqay Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana loo aas-aasay inuu isku xiro Wariyeyaasha kunool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.