Shir deg deg ah oo gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowlada Federaalka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari shalay isugu yeeray dhamaan xildhibaanada iyo wasiirada Beesha Digil iyo Mirifle ugu jira DFS ayaa looga hadlay xaalada shirka sida ansixinta dastuurka iyo calanka.
Wararka naga soo gaaraya kulankaas ayaa waxay ku waramayaan in dood dheer iyo falanqayn ka dib Gudoomiyaha Baaralamaanku Maxamed Cismaan Jawaari oo soo bandhigay hindise cusub oo ka yaabiyay qaar kamid ah masuuliyiintii shirka fadhiyay. Jawaari wuxuu codsaday in la hakiyo shirka Baydhabo ilaa iyo intii mudo ah wixii dhimana lala sugo isaga.
Gabagabadii kulanka ayaa la isku raacay in Odayaasha shirka daadihinaya loo gudbiyo codsiga Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Gudoomiyaha barlamaaka Jawaari ayaa waxaa uu culeys kaga imaanaayaa Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Sheekh iyo xubno xildhibaano ah oo taageersan siyaasada Madaxweyne Xasan kuwaasoo gudoomiyuhu ka codsadey in masuuliyiinta hogaanka shirka ka dhaadhciyo in hakiyo shirka ilaa muddo aan la cayimin. Madaxweyne Xasan ayaa marar hore sheegay in uusan raali ka aheyn dhismaha maamulka ka kooban 6 gobol maadaama dowladiisu ay heshiis la gashay maamulka uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.
Lama garanayo sababta Jawaari u codsaday in shirka Baydhabo la hakiyo balse waxaa dhici karta in hakintan ay sabab u tahay Dowlaad Somalia oo ka mowqif duwan qaabka uu usocdo shirka Baydhabo islamar ahaantaan doonaysa in shirka loo jiheeyo qaabka Dowladu ay urabto.
Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ayaa ku kala aragti duwan maamul goboleedka ay dhisayaan inta gobol ee uu ka koobnaan doono, qaar kamida siyaasiyiinta DM oo uu horboodayo Shariif Xasan waxay wataan maamul goboleed ka kooban 3 gobol halka inta badan siyaasiyiinta iyo odayaasha Digil iyo Mirifle ay doonayaan maamul goboleed balaaran oo ka kooban 6 gobol.
Imaanshaha ciidanka Ethiopia ee xarunta ka samaystay Baydhabo ayaa la saadaalinayaa in saameyn weyn ku yeelan doono mustaqbalka iyo natiijada kasoo bixi karta shirka Baydhaba. Bal aynu ka war dhowrno jawaabta Odayaasha Digil iyo Mirifle ka bixiyaan codsiga Jawaari.
Idale News Online, Mogadishu