Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa shabakadda u xaqiijiyay in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu u gacan haatinaayo Shariif Xassan Sheikh Aadan oo dharbaaxi kala kulmay Shacabka Beydhabo.
Illo wareedka ayaa xaqiijinaayo in C/weli Gaas uu dhaqaale Shariif Xassan u soo mariyay Xawaaladda Dahabshiil, inkastoo aan la sheegin cadadka lacagtaasi, haddana waxaa la sheegayaa in ujeedka lacagtaasi ay tahay in Shariif Xasan uu uga soo dhex muuqdo Siyaasadaha is diidan eek a jira Beydhaba.
Shariif Xasan ayaa waxaa sidoo kale Siyaasadda daxaleysatay ee Beydhaba garab kusiinayo Madaxweynaha DFS iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo iyagu doonaayo inay jilbaha u dhigaan Madaxweyne Nuunow oo isagu baalmaray Madaxda Dalka.
Lama Oga sida uu xaalku ahaan doono, waxaana laga yaaba in Shariif Xassan uu sii laba jibaaro Siyaasdiisa ku aadan Baydhaba inkastoo Madaxweyne Xassan iyo C/weli gaas lacagaha uga dhamaaden taageerida shariif xassan.