Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo baaq u diray Xarakada Al-Shabaab

0
180

Muqdisho: Xildhibaan katirsan Baarlamaanak Soomaaliya ayaa ugu baaqay Dagaalyahanada Al-Shabaab in ay ka waantoobaan barakicinta ay ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan Degmooyinka iyo Deegaanada ay gacanta ku hayaan iyo kuwa laga saaray.

Xildhibaan Aweys Cabdulaahi oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xarakada Al-Shabaab in ay joojiyaan barakicinta qasabka ah uu sheegayay in ay ku hayaan dadka ku dhaqan Degmooyinka iyo Deegaanada ay joogaan.

Aweys Cabdulaahia ayaa tilmaamay in diin ahaan iyo dhaqan ahaaan midna aysan wanaagsaneen in dad masaakiin ah oo meel dagan lagu qasbayo in xoog lagu barakiciyo , waxa uuna Shabaab ka codsaday in ay kawaantoobaan falalkaas naxariis dara ah.

Ugu Dambeyn Xildhibaan Aweys Cabdulaahi ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in dhankeeda ay dhabarka u ridato caawinta iyo u gar gaarida dadka sida xooga ah looga barkaciyay deegaanadii ay dagnaayeen..
Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili la sheegay Al-Shabaab in ay dadka ku amarayaan deegaanada ay joogaan hadii lasoo weeraro in dadka ka barakacaan si goobtaasi u noqoto goob cidloah aysan dadi kunooleen.

alshabab

Idale News Online.