Dhageyso: Xildhibaan Xaabsade “Nin Raadiya ka hadley cid doorateyna aan jirin warkiisa kuma jirno”

0
183

Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo hadda ku sugan magaalada Baydhabo ayaa doorashada Nin la sheegay inuu la dhashey Shariif Xasan Sheekh Aadan ku tilmaamey hadal ku ku kooban oo kaliya Raadiyaha, dhanka kalena sheegay in wax doorasho seddex gobol ah aysan ka dhicin degmada Baydhabo.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in dadka KG Somalia ay magaalada u diideen hormuudkii maamul ka kooban seddex gobol, kaasoo markii dambe dib ugu noqday magaalada Muqdisho oo markii hore ka soo kicitimay.

“Dadka goboladaan koonfur galbeed waxay dhisteen maamul ay u dhan yihiin oo duqowda dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka lixda gobol ay ka wada qeyb ahaayeen” sidaasi waxaa yiri xildhibaan xaabsade.

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/03/xabsadeJwb.mp3|autostart=yes]

Magaalada baydhabo ayaa waxaa looga dhawaaqey maamul in dhawaaleba uu waday xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, laakiin maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku baaqey banaanax lugta marinaayo xarunta maamulka shirka Baar Bakiin, isla markaasna lagu dhaleeceynaayo dowlada federaalka Soomaaliya oo iyadu taageersan maamulka Sharif Xasan.

xaabsade

Idale News Online, Baydhabao