Diyaarad Helicopter ah oo Marka ka soo qaaday m/weynaha Xasan Sh.

0
171

Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad Helicopter ah ay ka soo qaaday magaalada Marka, halkaasoo ay shalay gaareen.

Diyaaradda Helicopterka ee wafdiga Madaxweynaha kasoo qaatay Marka ayaa waxay kasoo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo qeybta kale ee wafdigiisa iyo kolonyadii u gelbisay magaalada Marka ay safar dhulka ah ku soo baxeen.
Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay markii ugu horeysay ku hoyday xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo uu kula kulmay odayaasha dhaqanka gobolka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada oo uu kala hadlay sidii loo hormarin lahaa gobolka, xoojinta amniga iyo maamul dadka deegaanka soo doortaan.
Afhayeenka Al-Shabaab Sh. C-casiis Abuu Muscab ayaa shir jaraa´id uu qabtay wuxuu shalay ku sheegay iney weerar dhaba gal ah ku qaadeen kolonyadii galbineysay Wafdiga Madaxweynaha, jab xooggana ay gaarsiiyeen.

Hase ahaatee Afhayeenka Madaxtooyada Inj. C-raxmaan Yariisoow ayaa been aan sal laheyn ku tilmaamay sheegashada al-shabaab, wuxuuna tilmaamay ineysan jirin wax carqalad ah oo ay la kulmeen intii ay kusii jeedeen Marka.

Idale News Muqdisho