Waa maalinimo Arbaco ah oo bishu ay tahay 4 – September waxaa habeen hore xirmay suuqa kala iibsiga waxaase soo baxaaya faahfaahin kala duwan iyo sidii loo kala iibsiga ciyaartooyda iyo waliba arrimo kusaabsan ciyaaraha caalamka
Wargeyska Punto Pelota ayaa qoray in Laacibka reer Madrid iyo dalka Portugal Cristiano Ronaldo inuu haatan diyaar u yahay inuu kooxdiisa u saxiixo heshiis cusub.
***Cristiano ayaa ugu danbeyntii qalinka ku duugi doono heshiis dheer oo lacagaha mushaarka loogu kordhin doono. Ronaldo ayaa rajaynaya inuu noqdo ninka ugu mushaarka badan caalamka. Sidaani waxaa qoray PuntoPelota
***Juventus ayaanan ka faa’ideysan soo xero galinta Zuniga oo ah ciyaaryahan garabka ugu ciyaara kooxda Napoli.
Ciyaaryahan Zuniga oo si weyn ay ugu raad joogtay Marwada duqda ayaanan ka faa’ideysan xirmida suuqa kala iibsiga waxaana ay doonaysaa inaay kula wareegto suuqa xorta ah marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan. Sidaasi waxaa qortay Tuttosport.
***Kooxda Chelsea ayaa ka hadashay sababtii ay Arsenal ugu diiday laacibkeeda afka hore ka ciyaara ee Demba Ba
Chelsea ayaa sheegtay inaaysan dooneyn inaay hubkeeda ku xoojinayn koox ka mid ah kooxaha ay xafiiltamaan. Arsenal ayaa weyday laacibkaan daqiiqadihii ugu danbeeyey ee suuqa kala iibsiga. Sidaasi waxaa qoray: Daily Mail.
***Ma ogtahay in ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Manchester United ay soo iibsatay xirmidii suuqa kala iibsiga Marouane Fellaini inuu ku waayey £4milyan oo bound.
Fellaini ayaa geed dheer iyo geed gaaban u fuulay inuu kusoo biiro Manchester United isagoo kooxdiisa ugu samray lacago abaal marin ah oo uu heli lahaa wuxuuna u sheegay in uusan ugu baahnayn hadii ay u ogaaladaan inuu ku biiro United sidaasina waxaa qortay: Daily Telegraph
***Manchester United ayaa shaacisay inaay Özil doonaysay balse ay dalabka dirtay mar lagu kala baxay oo heshiiskiisa dhamaad ku dhawaa.
United ayaa ka dhawaajisay in uu waqtigu ciriiri ku ahaa si ay ula soo wareegto Özil sidaasi waxaa soo ogaatay oo qortay: Daily Mirror
***Alberto Zaccheroni ayaa u taagan inuu badalo tababaraha xulka Azzurri Italia Prandelli oo heshiiskiisa ku eg yahay dhamaadka ciyaaraha aduunka 2014-ka lagu qaban doono Brazil.
Prandelli ayaa kudhawaaqay inuu isaga tagi doono marka uu dhamaado heshiiskiisa koobka aduunka 2014-ka. Sidoo kale tababaraha AC Milan Allegri ayaa isagana safka ku jira. Talyaaniga ayaa doonaya inuu tartan galiyo tababareyaasha Ancelotti, Conte, Mancini, Spalleti iyo Capello oo dhamaantood ah tababaryaal guusha la saaxiib ah. Sidaasi waxaa qortay La Gazzetta dello Sport.
***Luis Figo ayaa qarka usaaran inuu agaasime soo iibinta ciyaartooyda u noqdo kooxda Paris Saint-Germain oo booskaasi iska casilay Leonardo oo kusoo jeeda kooxda Inter si uu agaasime ugu noqdo.
Laacibkii hore Intermilano ayaa booskaan banaan u sharaxan waxaase wararku sheegayaan in Pauleta uu ku haysto jagadaan maadaama si weyn looga jecel yahay garoonka PSG. Sidaasi waxaa qortay Le Parisien.
Idale News Muqdisho