Madaxweynaha oo aqbalay codsi loo soo jeediyey oo ahaa in la badalo M/g/Sh/Hoose

0
192

213-300x160

Madaxweynaha Dawlada Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Sh/hoose waxaana kulamadaasi xalay ahaayeen kuwo xiriir ahaa.

Xasan Shiikh oo xalay ku hoyday magaalada Marka ayaa waxa uu dhageystay Cabasho ay usoo gudbiyeen waxgaradka ku dhaqan goobolka Sh/hoose taasi oo ahayd in laga badalo maamulka gobolkaasi.

Waxa sidoo kale Waxgaradka ku dhaqan magaalada Marka ay madaxweynaha ugudbiyeen in guryahooda dadka qaar xoog looga heysto sida uu sheegay madaxweynaha waxa uu tibaaxay inay xaq uleeyihiin dadka waxaysan rabin inan lagu dirqin karin.

Waxaa laga codsaday madaxweynaha inuu bedel ku sameeyo gabi ahaan maamulka hadda haayo Gobalka, waxaana lagu wargaliyay in horumarka Maamulka uu hortaagan yahay guddoomiyaha iyadoona madaxweynaha loo sheegay inuu wax waliba Gudoomiyaha uu ka dhigay qabiil.

Soo laabashada madaxweynaha ka hor ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu go’aan kasoo saaro shaqada maamulkaasi iyo is bedelka laga dalbaday.

Idale News Muqdisho