Ururka Argagixisada caalamiga ah ee Al-Shabaab ayaa sheegtay iney ka danbeeyeen qaraxyadii cuslaa ee maanta lala beegsaday Maqaayada The Village ee ku taal qeybta danbe ee guriga Hooyooyinka.
Qoraal ay Al-Shabaab soo saartay waxay ku sheegeen iney weerareen xarun lagaga soo duulo shacabka Muslimiinta isla markaana fariisin u ah wax ay ku sheegeen Jawaasiis, khasaaro xoogana u geysteen dad ay ku sheegeen caddow u shaqeynayay Sirdoonka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in xarunta ay weerareen ay horay shacabka ugu digeen ineysan ka ag dhawaan goobaha sidan oo kale ah ee caddowga fadhisto, waxayna tilmaameen in aan looga hari doonin meel walbo oo ay fadhiyaan hadey ahaan laheyd xarun milateri ama meelo kale oo qarsoon.
Al-Shabaab ma sheegin weerarkan qaabka ay u fuliyeen, hase ahaatee waxaa loo badinayaa sida ay sheegeen saraakiisha Booliska iyo dadkii goobta ku sugnaa oo tilmaamay inuu ahaa mid gaari loo adeegsaday iyo qof is-qarxiyay.
15 qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhintay iyo tiro dhaawaac ah oo intaas ka badan, waana weerarkii Labaad ee Maqaayadan Al-Shabaab bartilmaameedsado, iyadoo bishii September ee sanadkii 2012-kii ay aheyd markii la weeraray.
Idale News Muqdisho