Axmed Madoobe oo soo dhoweyntiisa ay ka qeyb ahaayeen Wasiiro iyo Barbaarta Gaashaaman + Sawiro

0
191

Wafdiga uu horkacayay hogaanka Maamulka Jubba Axmed Madoobe isla markaasna ay wehliyaan xubno uu ka mid yahay ku xigeenkiisa C/hi Sheikh Ismaaciil Fartaag ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Markii ay timid diyaaradii wafdiga Kismaayo ka yimid ay soo cagadhigatey ayaa waxaa barbaarta gaashaaman ee gobolka Banaadir ay halkaasi ku soo bandhigeen bandhig gaar ah,

Masuuliyiinta  garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka warfaaafinta,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llahi Ciilmooge Xirsi, Duqa Magaalada Muqdisho Tarson iyo  madax kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Soo dhoweyntaan ayaa muujineysaa in ay labada dhinac ee Maamulka Jubba iyo Dowlada ay maqsuud ka yihiin heshiiskii ay Addis Ababa ku gaareen, waxaana uu heshiiskaasi si aad ah uga careysiiyey dhamaan duqowda dhaqanka, siyaasiyiinta iyo inta badan xildhibaanada  beelaha Digil iyo Mirifle oo ku tilmaamey mid aan la aqbali karin oo u muuqdo isbaheysi cusub oo lagu boobaayo deegaanada beelahooda sidoo kalena ku tilmaamey heshiiska Addis Ababa mid khilaafsan Dastuurka dalka iyo Hindisaha Maamul U Sameynta degmooyinka iyo gobolada dalka Soomaaliya.

soodhaweyn soodhaweyn0 soodhaweyn01 soodhaweyn1 soodhaweyn5 soodhoweyn3 soodhoweyn4

Idale News Online