Sanca(INO) Saqdii dhexe ee xalay guud ahaanba dalka Yemen waxaa joogsaday duqeymihii ay diyaaradaha dagaalka ee Sacuudigu ku hayeen gudaha dalka Yemen, waxaana meelo badan oo kamid ah magaalada ka soo baxay dadyow ku go’odoonsanaa oo ka cararay dagaalada iyo duqeymaha kala duwan.
Saraakiisha Gargaarka ee QM iyo Hay’ada Dhakhaatiirta aan Xaduuda laheyn ayaa sheegay in ay gargaar deg deg ah gaarsiin doonaan gudaha Yemen, gaar ahaana meelaga lagu barakacay iyo gobalka Sacda oo guud ahantiis noqday goob dagaal.
Wariyaasha ka soo maraya Yemen ayaa sheegaya in ay saaka soo arkeen meelaha qaar xaalado khatar ah oo ka jira, gaar ahaana meelaha ay duqeymuhu sida aadka ah uga socdeen.
Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay ayaa bishan horaanteedii codsaday in lafasaxo gargaarka deg deg ah, isla markaasna Sacuudigu ay aqbalaan xabad joojin mudo kooban qaadanaysa oo gargaarka lagu geynayo gudaha dalka Yemen.
MSF ayaa sheegtay in ay dhakhaatiir iyo gargaar caafimaad udirtay gudaha Yemen, laakiin xaalad hubin la’aan ah ayaa ka jirta gudaha magaalooyinka dalka, maadaama uu lumay amaankii iyo kala dambeyntii dalka.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Sanca