Washington(INO)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama uu la noqday safiirkii uu bilo ka hor u magacaabay in Mareykanka wakiil uga noqoto dalka Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay masuuliyiin katirsan aqalka cad ee Dalka Mareykanka Katherine Dhanani oo waqti badan kasoo shaqeysay Wadamo kuyaala Qaarada Afrika dhawaana uu Obama u magcaabay Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Dalka Mareykanka ayaa dib looga laabtay.
Wakaalada Wararka faafiya qaarkood ayaa qoray in Katherine Dhanani ay iyadu iska diiday in ay ka howlgasho gudaha Soomaaliya , mana aysan cadeyn sababta ay ku diiday in ay Soomaaliya wakiil uga noqoto Mareykanka.
Masuul ka tirsan Aqalka Cad ayaa warbaahinta AP u sheegey in Katherine Simonds Dhanani markii horeba doonitaankeeda lagu magaacibin, haddana iyadu ay dalbatey in laga noqdo magacaabideedi arrimo shakhsiyadeed oo u gaar ah darteed.
Dowlada Mareykanka ayaa xariir fiican la leh Dowlada Federaalka Soomaaliya , waxaana Mareykanka 24-sano kadib ay dalka Soomaaliya usoo magacawdeen Safiir inkastoo hada dib loola laabtay safiirkaasi.
Idale News Online, Muqdisho