Dhageyso:Wasiirkii hore ee amniga DFS oo ka hadlay waxyaabaha keenay habacsanaanta amniga Muqdisho

0
236

Muqdisho(INO) Wasiirkii hore ee amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay waxaabaha keenay in falalka amni xumo ay kasii socdaan magaalada Mqdisho ee caasimadda Soomaaliya xilli ay magaalada ka socdaan hawlgallo isdabajoog ah oo ay samaynayaan ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya.

C/samad Macalin Maxamuud ayaa u aaneeyey habacsanaanta amniga magaalada Muqdisho inay sabab u tahay dhowr arimood oo is biirsaday,wuxuuna sheegay iney qayb ka qaadanayaan amni xumada magaalada tababar la’aanta ciidanka amniga iyo is bedelka faraha badan ee lagu sameeyey saraakiishii ciidamada.

C/samad Macallin Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay iney sidoo kale habacsanaanta amniga iney qayb weyn ka qaadatay isqabqabsiga siyaasadeed ee dalka kusoo noqnoqday,wuxuuna dhaliilay sida ay ciidamadu  u sameeyaan hawlgallada amniga lagu xaqiijinayo.

Wuxuuna ugu baaqay saraakiisha amniga dowladda iney ka hortagaan in ciidamadu ay shacabka dhibaateeyaan xiliyada ay hawlgalladu socdaan,C/samad Macallin Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadu ay dadaaleen,wuxuuna kula taliyey iney bedelaan qaabka sugidda amniga isla markaane ay mar walba la socdaan qorshayaasha kooxda Al-shabaab.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here