Dhageyso:Soomaaliland oo sheegtay iney Soomaaliya ku dacweeyeen beesha caalamka

0
212

Hargeysa(INO) Wasiirka arimaha dibadda Maamulka Soomaaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa caasimadda Soomaaliland ayaa shaaca ka qaaday iney beesha caalamka ku dacweeyeen dowladda Soomaaliya oo sheegay iney masuul ka ahayd burburka wadahadaladii Turkiga.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inuu wadahadallo la yeeshay Safaarado badan oo beesha caalamka ah isla markaane uu u gudbiyey dacwad ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in dowladda Madaxweyne Xasan SH ineysan daacad la ahayn wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in wadamadii ay la kulmeen iney u garaabeen sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya iney ka shaqayso sidii labada dal ay walaaltinimo ugu wada noolaan lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa markale ku celiyey  in Soomaaliland ay beesha caalamka u sheegtay ineysan Soomaaliya hor fariisaneen inta waftiga dowladda ay ka dhex muuqdaan rag kasoo jeeda deegaanada Soomaaliland.

Waftigii ka socday Soomaaliland ayaa shuruud kaga dhigtay inuu furmo shirkii lagu waday inuu magaalada Istanbul ku dhexmaro dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland in laga saaro 4 xubnood oo ka so jeeday deegaanada Soomaaliland kuwaasoo ka mid ahaa waftiga dowladda waxaana arintaas gaashaanka u daruuray waftigii dowladda taasoo keentay in shirka lagu kala dareero.

Idale News Online, Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here