Buhuudle(INO)-Ciidamada Itoobiya ayaa xalay gudaha usoo galay degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Togdheer. Ciidanka oo sida lagu soo waramayo tiradiisu hayd mid kooban wuxuu xadka kasoo tallaabey abbaare 8:00 fiidnimo.
Ujeedada askarta Itoobiya Buuhoodle u yimaadeen ayaa ahayd sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen nin looga shekiyey inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab oo dugsi qur’aan ku haysta magaalada.
Ninka oo lagu magacaabo Macallin Cabdullaahi, deegaan ahaanna kasoo jeeda gobollada koonfurta waxaa u suuro gashay inuu baxsado kadib markii ardeydiisu dhagxaan iyo buuq kala hortageen askarta.
Rasaas ciidamadu fureen ayaa waxaa ku dhaawacantey hal gabar. Gabadha oo dhaawaceedu ahaa mid sahlan waxaa loo soo qaadey dhanka degmada Garowe.
Waa markii ugu horreysey ee ciidamada Itoobiya usoo tallaabaan Togdheer, si ay u qabtaan qof looga shekiyey inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab.
Idale News Online, Buuhoodle.