Dhageyso:Wasiirka Haweenka Ee Dowlada KG Soomaaliya Oo Arimo Badan Ka Hadashey

0
192

BaydhaboINO)-Wasaaradda Haweenka ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa shaaca ka qaaday in deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose ay ka jiraan falal badan oo ka dhan ah xuquuqda Haweenka.

Wasiirka wasaaradaasi Faadumo Cumar ayaa u sheegtay Warbaahinta Gobolada KG Soomaaliya  in ka wasaarad ahaan ay u taagan yihiin sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen Haweenka Koonfur Galbeed, islamarkaana waajib uu ka saaran yahay sidii ay u difaaci lahaayeen Haweenka.

Halkan Ka Dhageyso.

Inta badan Haweenka ayeey sheegtay in dhibaatooyin isugu jira, dhac, Kufsi iyo Jirdil ay kula kulmaan Gobalka Shabellaha Hoose ayna mas’uuliyiinta maamulkaasi kala shireen sidii Haweenka amni u heli lahaayeen, sidoo kalena xuquuqdooda loo siin lahaa.

Waxaan la kulmay Gabdhaha ku sugan degmada Afgooye, waxay ii sheegeen in dhibaatooyin ay ku qabaan maamulada jira, sida in aysan xuquuqdooda ilaalin, waxaa kaloo jira meelo kale oo ka mid ah Shabellaha Hoose misane aan la gaarin, waxaana halkaasi ka jira Kufsi, Dil, Dhaawac iyo waxyaabo kale oo badan” ayeey sheegtay wasiiradda.

Ugu dambeyn wasiirka Haweenka  Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Faadumo Cumar ayaa ugu baaqday maamulada ka jira gobalada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose in ay la shaqeeyaan Haweenka, islamarkaana ay ilaaliyaan xuquuqdooda.

Idale News Online,Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here