Madaxweyne Shariif Xasan Oo Maalinta Arbacada Ku Wajahan Marka Iyo Qorashaha Uu Socdo

0
183

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowlada  Koonfur Galbeed Soomaaliya  Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la filayaa in dhawaan uu u safro magaalada Markacadey  ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose.

Ilo Wareedyo aynu ku kalsoonnahay ayaa inoo xaqiijiyay in maalmaha Arbacada Ama Khamiista Midkood uu Madaxweyne Shariif Xasan halkaasi gaari doono.

Waxa uu soo xiri doonaa shir nabadeed muddo ka soconayay gobalka Shabellaha Hoose, kaasi oo lagu heshiisiinayay beello horay u dagaallamay, shirkoodana horay looga duray Afgooye.

Xogta ayaa intaasi ku daraysa in uu la kulmi doono maamulka gobalka Shabellaha Hoose, Odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan oo arimo badan ka wada hadli doonaan.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here