Wararkii ugu dambeeyay howlgal dhiig ku daatay oo ka dhacay inta u dhaxeysa Leego iyo Buurhakaba

0
212

Buurhakaba(INO)-Howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, ayaa lagu dilay saddex ka mid ah Koox Burcad ah oo Isbaaro dhiganaysay sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda.

Ciidamada ayaa howlgalkaan waxa ay ka sameeyeen wadada isku xirta Leego iyo Degmada Buurhakaba ee Gobolka Shabeellaha hoose, intii howlgalka lagu guda jiray ayeey ciidamada toogteen saddexdaan ruux.

Guddoomiyaha Deegaanka Leego Abuukar C/laahi Isaaq, ayaa sheegay in saddexda ruux ee la toogtay ay ka dhaga adeegeen in ciidamada ay isku dhiibeen, sidaasna rasaastii ciidanka iyo iyaga ay isweydaarsadeen ay ku geeriyoodeen.

Sidoo kale Guddoomiyaha deegaanka Leego, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada ay soo qabteen 15-ruux oo ka mid ahaa raggii isbaarada dhiganaayay, waxaana qaarkood loo soo gudbiyay Magaalada Muqdisho.

Dadkaan Isbaarooyinka dhiganaayay ayaan ka mid aheyn ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse waa rag maleeshiyaad ah oo tuutaha ciidamada ay gashtaan dadka ku dhaca.

Muddooyinkii u dambeeyay gaadiidleeyda Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa ka cabanaayay isbaarooyin fara badan oo yaalla inta udhaxeysa Baydhabo iyo Afgooye, ciidamada oo ka jawaabayay cabashadaasi ayeey howlgalkaan sameeyeen sida uu sheegay Guddoomiyaha deegaanka Leego.

Idale News Online, Burhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here