Dhageyso:Wasiirada Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed Oo Dhawaan La Dhameystirayo

0
225

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan la filayaa in uu soo magacaabo dhamaan xubnaha ka harsan Wasiirada maamulkiisa, ka dib markii dhawaan uu magacaabay ilaa Afar Wasiir.

KG Soomaaliya

Siyaad Sheekh Daahir oo ah afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ayaa wareysi uu siiyay  Warbaahinta, waxa uu sheegay in madaxweynaha maamulkaan ku howlan yahay dhameystirka xubnaha u haray.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in hadda Shariif Xasan uu ku guda jiro wada tashi ku aadan xubnaha noqonaya wasiirada, isaga oo la shiraya qeybaha kala duwan ee bulshada.

Halkan Ka Dhageyso Codka Siyaaad.

“Hordhac ahaan Afar ayaa lasoo magacaabay, todobaadkaan soo aadan dhamaan waa la dhameystirayaa, waxaana madaxweynaha wada hadal uu kula jiray qeybaha kala duwan ee bulshada si loo helo maamul dadka dhan ay u wada dhan yihiin” ayuu yiri Afhayeenka.

Shariif Sheekh Aadan oo hogaamiyo maamulka Koonfur Galbeed, waxa uu si toos ah u bilaabay howlaha horyaala maamulkiisa waxa uuna dhawaan ku dhawaaqay Afar ka mid ah xubnaha wasiirada, iyadoo la filayo in xubnaha haray la dhameytiro.

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here