Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadka 2015-ka horumar laga sameyn doono wada hadalada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland, gaar ahaan arinta ku aadan midnimada.
Xilli uu madaxweynaha ka hadlay waxyaabihii ay isku soo afgarteen madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo shalay kulan ugu soo dhamaaday dalka Jabuuti ayaa sheegay in Dalka Turkiga lagu laaban doono, islamarkaana sanadka cusub ee soo socda uu noqon doono mid isbedal la gaaro.
Halkan Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha JFSoomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud.
“Sanadka cusub ee 2015-ka waxaan rajeyneynaa inuu noqdo sanad horumar oo guud ahaan dalka Soomaaliya uu gaaro, gaar ahaanna arinta midnimada horumar badan laga sameyn doono” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland waxaa u socda wada hadal, iyada oo 15-16-ka bisha soo socota lagu balamay in la wada tago dalka Turkiga si loo amba qaado wada hadalka Labada dhinac.