Dhageyso:Somaliland oo sheegtay in aanay quseyn go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha

0
163

Hargeysa(INO)— Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa sheegay in aanay quseyn go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga qaran ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ee ahaa nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doona sanadkan.

Halkan Ka Dhageyso

Mr Waran-Cadde ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’een 25 sano ka hor inay maanta sheegtaan, isagoo xusay inay kala yihiin labo dal oo kala madax banaan.

“Waxaa layaab ah in 25-sano ka hor dal aan ka go’nay oo 1960 dowlad isku darsanay, waxaanu aheyn labo dowladood oo kala gumeysan jiray Ingiriiska iyo Talyaaniga, marka waa kala noqonay wada jirkeeni hore, waana wax aad iyo aad layaab u ah beenta iyo waxa ay sheegayaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Waran-Cadde.

Waxaa uu sheegay in aanay jirin cid uga wakiil aheyd shirkii Madasha ee Xamar ka dhacay, isagoo xusay in wixii hada ka dambeeya sharciyad ka soo saareen arrimaha Soomaaliya iyo isku safarka labada dhinac.

“Dal kala noqday dal kale wada jirkeeda inay maanta sheegtaan waa wax lagu qoslo, Waxa ay sheegayaan Somaliland wax ka quseeyo ma jirto, cid ka mas’uul ahna ma jirin, waxaa sharciyad ka soo saarnay in Soomaaliya iyo Somaliland in baasaboor labo dal ah kala leeyihiin oo ay isku safrayaan”ayuu yiri Cali Waran-Cadde.

Go’aamadii ka soo baxay shirka Madasha wadatashiga ayaa ahaa in Aqalka sare ay ka yimaadaan Maamulada Somaliland iyo Puntland min 11 xubnood, maadaama ay ahaayeen maamulo horay u jiray, halka Maamulada kale ay ka imaanayaan min 8 xubnood.

Idale News Online, Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here