Lascaanood(INO)- Dhawaan Somaliland waxay ku dhawaaqdey in degaanadeeda ay isaga baxaan dadka Ka soojeeda Degaanda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo Ganacsiyo kala Gedissan ku leh Gobolada Iyo Degmooyinka Somaliland isla markaana qaarna waxay halkaasi ay deganaaayey mudo 20 sano ku dhawaad.
Arintaas waxa cabashooyin xoogan ka muujiyey Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku dhaqan Somaliland isla markaana durba waxa arintaas ka jawaabtey Somaliland oo ay sheegtey ina aysan u la jeeedin dadka ka baxaayo Degaanadeeda kuwa u dhashey Koonfur Galbeed soomaliya , iydoona sheegtey in Qowmiyada Oromada Ee Itoobiya ay ku sheegtey inay yihiin dadka laga saaraayo Dhulkeeda.
waxay sidoo kale somaliland amaro ku bixisey dadka Ka soojeeda Koonfur Galbeed Soomaaliay ee Meherado Ganacsiyo ku leh in ay qaataan Kararka Aqoonsiga.
Abshir C/laahi Qoondhood waxa uu ka mid yahay Ganacstada Ka Soojeeda Koonfur Galbeed Soomaaliiya isla markaana Mehrad ku leh Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, Isla markaana wareysi Siyey Warbaahinta Idale News Online ayaa sheegtey in xaaladu Haatan ay degan tahay isla makraana Somaliland ay ka noqotey Go’aankii Horey ay u qaadatey ka dib markii wasiirka wasaaradda arimaha Gudaha Ee Sooamaaliya ay u gudbiyeen Cabashooyin iyagoona sheegey in aysan suurtagal noqoneynin Xiligan in ay baxaan Somaliland.
Sido kale waxa uu xusey in Qaar ka mid ah Dhalanyaro Koonfur Galbeed Soomaaliya ka soojeeda oo Ganacsiga ku leh Magaalda Ceerigaabo Ee Xarunta gobolka Sanaag lagula kacey Xarig isla markaana haantaan ay socodaan dadaalo lagu doonaayo in lagu siidaayo , isla markaana wada hadalo ay u socodaan Maamulka Magaaladaas iyo Ganacsatada KG Soomaaliya.
Ganacsade Abshir C/laahi Qoondhood ayaa Sheegey in Dadka KG Soomaaliya u dhashey Ee Degan Somaliland ay sameeyey Ganacsiyo furfuran taasoo uu sheegey in ay keentey in dadkii Degaanadaas ay muujiyeen masiir Xoogan iyo Caadhifooyin Siyaasadeed, waxa kale uu intaa ku darey in dadka qaar ay bilaabeen qaadashada Kararka Aqoonsiga oo Amar ku bixisey in la qaato Somaliland, qaarna iskooda ay bilaabeen inay dib ugu laabteey Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“ dadka KGS Waxay halkan Keeneyey Ganacsiyo Wanaagsan iyo Il baxnimo , dadka u dhashey Somaliland ayaa waxay ficiltan la sameynayaan Dadka Koonfureed” ayuu yiri Abshir C/laahi Qoondhood
Ugu dambeytii, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ilaa iyl haatan kama aysan hadal arintan.
Halkan Ka Dhageyso Codka Abshir C/laahi
Idale News Online, Lascaanood