Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed (LFC) Ayaa fariin adag u direy Maamulada Somaliland iyo Puntland inay xaqdhowraan Shacabka Ka Soojeeda Degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasoo halkaas ku leh Mehrado Ganacsi, qaarna ay degan yihiin kudhowaad mudo 30 sano ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegey in Puntland iyo Somaliland Dadkaas ay ka qaadaan Canshuur isla markaana waxa uu sheegey inay u diidaan Xaquuqdii ay ku lahaayeen Labadaasi maamul, sida Ka Qiib Galka Siyaasada.
” Waxaan doonaya in aan fariintan Gaarsiyo Puntland iyo Somaliland, Shacabka Ku Nool Puntland Ee Ka Soojeeda Koofurta Soomaaliya, Xaquuqbay leeyihiin,canshuur baad ka qaadataan waxna ma siisaan, Maalin welibana laba qof ama qof xaquuqdooda hala raadiyo ayaad leedihiin, Ceeb waaye waxaas, Soomaalinimona ma ahan, ka Xishood waxaas” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed.
Ugu dambeyntii, Somaliland iyo Puntland ayaa ah Degaanada lagu dhibaateeyo Dadka Soojeeda KG Soomaaliya isla markaana Gudoomiyaha Gobolka Bay waxa uu ugu baaqey labadan maamul inay suggaan cadaalada iyo Sinaanta ee u dhexeysa Dadka Soomaaliyeed.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo